|
|||||
WAJAALE NEWS
“Xisbiga Kulmiye Ee Talada Dalka Haya, Waxaan Leeyahay, Dhabihii Uu Xisbigii UDUB Maray, Ha Marina..”Xildhibaan Qabile.
September 13, 2020 - Written by Editor:Hargeysa (W,N) -Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa Xisbiga talada dalka haya Ee Kulmiye ugu baaqay inuu xaliyo khilaaf kasta oo la soo gudboonaada, waxaanu ka digay inuu u baaba’o sidii Xisbiga UDUB oo kale. Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Xisbigii UDUB, isagoon talada dalka hayn ayuu is qabtay, kadibna uu baaba’ay waana lagu kala yaacay, Xisbi qarana uu inaga baaba’o dani inooguma jirto, Xisbi walibana inuu Xeerarkiisa raaco ayaa quman, markaas anigoo Xisbiga Waddani ah waxaan Xisbiga Kulmiye ee talada dalka haya leeyahay dhabihii uu Xisbiga UDUB maray ha marina, ee si hoose uga heshiiya wax kasta oo aad isku qabataan, Xisbiga UDUB markii uu baab’ay talada dalka muu hayn, laakiin haddii Maanta Xisbiga Kulmiye baaba’o culays iyo jahaweerar siyaasadeed ayaa inagu soo kordhaya, maaddaama uu taladii dalka hayo”
Related posts:Halkan Ka Daawo:Shirkada Dahab Shiil Oo Si Wayn Uga Qayb Qaadatay Tartanka Orodka Ee Ka Furmay Magaa... Wasiirka Duulista Iyo Hawada Somaliland Oo Ka Hadlay Heshiis Dhex Maray Dawlada Somaliya Iyo Qaramad... Xisbiga Kulmiye Oo Si Ramsi Ah Ushaaciyay Liiska Xubnaha Golaha Dhexe Iyo Magacyada Xubno Liiskii Ho... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|