|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waxa Nasoo Kiciyey In Aanu Dayarta Soo Koraysa UCadayno, In Ay Been Ahayd Ohinta, Ay Ooyayeen,Wixii Madasha Kaga Hadleena Uu Ahaa Xumaan Aan Jirin..”Suldaan Naasir.
September 2, 2020 - Written by Editor:“Haddi Ay Run Ku, Oyeen Illahay Ayaa ku Garab gali. Haddii Ay Been ku Oyeena, Wiixi Ay Halka Kaga Hadleena Ay Ahayd Been, Waxay Abuureen Arin Fool xun Oo ka Tagi Doonta Raad Aad Iyo Aad Khatar Ugu Ah Ilmaha Dhasha Boqolka Sano Ee Soo socda,Suldaan Naasir HARGAYSA(W,N)- Suldaan Naasir Suldaan Cabdi oo kamid ah madaxdhaqameedka Somaliland gaar ahaan Beelaha gabooye ayaa si adag uga falceliyay hadalo maalin dhawayn ay bulshada ka hor jeediyeen siyaasinta barkhad jaamac batuun Afhayeenka wadani iyo wasiirkuxigeenka caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri kuwaasi oo fagaare kaga hor ooyay bulshada iyagoo sheegay in la takooray. Suldaan Naasir Suldaan Cabdi oo kamid Madaxdhaqmeedka Ugu Facawayn ee beelahaasi ayaa labadaa siyaasi ku eedeeyay in ay been abuur ku ooyeen islamarkaana aanay jirin cid beelaha gabooye takoor ku haysaa. Sidoo kale Suldaan Naasir ayaa sheegay in shantii gobol ee somaliyeed ay Somaliland tahay meesha kaliya ee si xor ah looga hadli karto haday tahay xataa gabooye. Dhanka Suldaan Naasir ayaa digniin culus udiray siyaasiyiinta kasoo jeeda beeshooda oo uu sheegay in ay ka been sheegayaa xqiiqada jirta hadii ay waxaasi joojin waayaana ay bulshada ku aqoonsan doonto cali beelaanihii laysla yaqaanay. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; https://youtu.be/BVZid_TqmcQ
Related posts:Xukuumada Somaliland Oo Gacanta Kusoo Dhigtay Dad Tahriibayaal Ah Oo Sifo Sharci Daro ah Lagaga Dhoo... Dhagayso; Codad Hanjabaad Ah Oo Loo Soo Diray Muwaadin Reer Jabuuti Ah Oo Mudooyinkii U Danbeeyay Ka... “Wadaadada Wahaabiyiinta Oo Iyagu Xaaraameeyayba Qaadka, Hadii Uu Run Ka Yahay Dagaalkiisu Ha Loo Wa... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|