|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirkii Hore Ee Arimaha Dibada Jsl Maxamed Biixi Yoonis Oo Beeniyay Warar Laga Baahiyay!
September 11, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Wasiirkii Hore Ee Wasaarada Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa beeniyay war laga baahiyay kaas lagu dhaleceeyay Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi. Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa been abuur cad ku tilmaamay warkan oo ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta ka hawl-gasha gudaha Somaliland. Siyaasi Maxamed Biixi Yoonis oo xidhiidh la soo sameeyay shabakadda wararka Somalilandtoday ayaa waxa uu sheegay in Maxamuud Xaashi uu yahay wasiir ay ka wadda tirsanaayeen xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaanu sheegay in uu ixtiraam u hayo waxaana ka mid ah hadalladiisii “waxaan beeninayaan warkaa lagu baahiyay warbaahinta qaar ka mid ah, Maxamuud Xaaahi waxa aanu ka wada tirsanayn xukuumaddii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaan u hayaa ixtiraam”. Siyaasiga Maxamed Biixi Yoonis ayaa warbaahinta Somaliland ugu baaaay inay ka waantoobaan baahinta wararka been abuurka ah iyaga oo ilaashanaya sumcadooda waxaanu yidhi “warbaahintu waa inay ka digtoonaataa baahinta wararka aan xaqiiqada ahayn, waa inay ilaashadaan sumcadooda iyo kalsoonida bulshada ku xidhan wararkooda” XIGASHO; SOMALILANDTODAY. Related posts:DAAWO; Siyaasi Cali Cantar Oo Eedo Culus Ujeediyay faysal Cali Waraabe, Shaaciyay In Uu Soo Bandhiga... Daawo:Mid Ka Mid ah Mujaahidiintii SNM Oo Cabasho Xoogan Ka Muujiyay Gurigiisii Oo ay Dhulka La Sint... War- Saxafadeed W, Qorshaynta. "Waxaa Nasiib-darro Ah Oo Aannu Aad Uga Xunnahay In Hay’adda UNFPA Xo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|