|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Oo Agaasime Cusub Umagacaabay Cisbitaalka Magaalada Wajaale.
September 12, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Wasiira Wasaarada Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyada Somaliland Cumar Cali Cabdilaahi Ayaa Agaasime Cusub Umgacaabay Cisbitaalka Magaalada Tog Wajaale Ee Gobolka Gabiley, Wareegto kasoo baxay xafiiska wasiirka caafimaadka Maanta Oo ay taariikhdu Tahay 12/09/2020 ayaa la sheegay in Cisbitaalka Magaalada Wajaale loo magacaabay Dr Mustafe Cabdilaahi Xaaji Cumar laga bilaabo maanta in uu ahaando Agaasimaha Cisbitaalka Magaalada Tog Wajaale oo mudo bilaa Agaasime Ahaa Taasi Oo keentay in uu dayacmo Cisbitaalku Islamarkaana ay maalmihii udanbaysay qaylo dhaan kasoo Yeedhaysay ay sheegaysay in gabi ahaanba in uu xidhmo Cisbitaalku ay qarka usaaran Tahay, HALKAN KA AKHI; WAREEGTADA UU WASIIRKA CAAFIMAADKU KU MAGACAABAY AGAASIMAHA CISBITAALKA WAJAALE; WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE Related posts:Daawo:Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliland Oo Ka Hadlay Xaaladii U Danbaysay Ee Jeelka burco Oo Uu ... Xildhibaan Mucaaridka Ka Tirsan Oo Sheegay In La Afduubay Xil Khadar Guun Oo Katirsanaa Isbahaysiga. Maxkamada Sare Ee Jsl Oo Qaraar Kasoo Saartay Xeerka Muranku Ka Dhashay No;14 Iyo Qodobada Ay Go,aam... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|