|
|||||
WAJAALE NEWS
Wasiir Saajin Oo Bilaabay Olole Uu Cod Ku Waydiisanayo Ergooyinka Beelaha Ee Shirweynaha Xisbiga Kulmiye.
September 19, 2020 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Waxa kor u sii kacaya Ololaha uu Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiisku Maxamed Xasan Sacad (Saajin) uu ugu jiro inuu hanto kursiga Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye. Wasiir Saajin oo tan iyo markii uu dhawaaqay inuu Musharrax u yahay Jagada Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbiga Kulmiye waday dhaqdhaqaaqyo ayaa Khamiistii waxay kulan qado ah wada yeesheen Xubnaha Ergooyinka Golaha dhexe Xisbiga Kulmiye ee ka mid ka mid ah Beelaha Somaliland. Ilo-wareedyo xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Wasiir Saajin uu Ergooyinka uu la kulmay uu ka dalbaday in Marka la gaadho Shirweynaha Xisbiga ee bisha dambe ay codkooda siiyaan, si uu ugu guulaysto Jagada Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad oo uu hadda ku fadhiyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici). Lama oga inay Ergooyinka uu la kulmay Cod u ballan-qaadeen iyo in kale, balse kulamada uu Wasiir Saajin la samaynayo Dadka saamaynta ku leh xisbiga Kulmiye iyo Cod-bixiyeyaasha ama Xubnaha Golaha dhexe ee xisbigaasi kuma koobna kuwa uu khamiistii la qadeeyay.
Related posts:Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya Oo Dib U Dhacay+Wakhtiga Cusub Ee Loo Mudeeyey Inay Furmaan I... Daawo-Magaalada Burco Gobolka Togdheer Oo Si Heer Sare Looga Xusay Xuska Maalinta Mujaahidiinta SNM. DAAWO; Wakiilka Somaliland u fadhiya Dalka Yemen Oo Si Rasmi ah Shaaca Uga Qaadey in la Aasay Dadkii... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|