Wafti Culus Oo Ka Socda Dalka Itoobiya Oo Galabta Soo Gaadhay Caasimada Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wafti Culus Oo Ka Socda Dalka Itoobiya Oo Galabta Soo Gaadhay Caasimada Somaliland!
September 28, 2020 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)- Wafti Balaadhan oo ka socda Dalka itoobiya ayaa maanta galinkii danbe soo gaadhay  Somaliland kuwaasi oo laga soo galbiyay dhinaca xuduudka ay labadal wadaagaan ee wajaale.

Masuuliyiin isku jira saraakiil ciidan iyo xubno katirsan xukuumada Somaliland ayaa wafti ka socda dalka itoobiya kaga hortagay xuduudka magaalo ganacsiyeedka tog wajaale,

Wafti ka socda dalka itoobiya oo galabka soo gaadhay caasimada Somaliland ee haraysa ayaan warbaahinta la hadal, halka dhinaca xukuumada Somaliland aanay wax  faah faahin ah bixin ujeedada socdaalkooda ay ku yimaadaan Somaliland

Wararka ay helayso shabakada wararka ee wajaalenews Ee la xidhiidha waftigan ayaa sheegaya in ay ka kooban yihiin xubno katirsan dawlada  fadaraalka itoobiya iyo saraakiil ciidan oo ay weheliyaan wasiiro katirsan maamulka dawlad deegaanka somalida itoobiya.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay ujeedada socdaalka waftigan kasoo kicitimay dalka itoobiya ay uyimaadaan Somaliland

WIXII WAR AH EE KASOO KORDHA WAFTI KA SOCDA DALKA ITOOBIYA EE WAKHTIGA KU SUGAN CAASIMADA SOMALILAND EE HARGAYSA KALA SOCO WARARKEENA DANBE

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

COMMENTS
LINKS