Siyaasi Cali Guray Oo Taageeray Halganka Quudhsi Diidka Ee Uu Ku Jiro Barkhad Jaamac Batuun. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cali Guray Oo Taageeray Halganka Quudhsi Diidka Ee Uu Ku Jiro Barkhad Jaamac Batuun.
September 4, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” Oo kamid ah Siyaasiyiinta reer Somaliland ee badi ka hadla xaaladaha dalka ka jira ayaa taageero umuujiyay hadaladii uu dhawaan jeediyay barkhad jaamac batuun oo kasoo jeeda beelaha la haybsooco.

Sidoo kale cali guray ayaa isbarbar dhig ku sameeyay hadii gabadh somaliyad ahi ay guursato nin madow oo maraykanka ah islamarkaana aanay iskud diin ahayn sida loo arko iyo hadii ay guursato nin gabooye oo ay isku sir iyo isku diin yihiin sida ay qoyskeedu u arkaa oo marar qaar gaadha in gabadhaa lagu tilmaamo qof dhimatay sobobi karta in la dilo oo qudha laga gooyo.

Siyaasi Cali Guray ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

 

“Anigu Gar Iyo Gardaraba Cidda Keliya Een ku Raacsanahay waa Mujaahidkan Quudhsi-diidka ah Iyo inta la midka ah ee kula jirta halganka ka dhanka ah Haybsooca.

Kuwa leh Wuu Gardaran Yahay waxan leeyahay اليس فيكم رجل رشيد. Waar waa maxay gardarada iyo dulmiga iyo cadaadiska ka wayn haybsooca bulshadooda ay ka midka yihiin ee xuquuq ahaan la siman yihiin ay dhexdooda ku qabaan hadana ay ku dhexjoogaan iyagoo ciillan axna lahayn.

Ka waran Ninka ajiga sheeganaya ee Maraykanka ku nool hadii Inantiisu ay nin Maraykan ah oo madow oo  haybtiisa cid kale Daaye xataa isagu aan garanayn oon muslin ahayn ay guurstaa waa caadi ama waabu ku faanaa “nin maraykana oo madow ayay guursatay”. Hadii mid ay ab iyo isir isu garanayaan oo soomaali ah oo magaalo keliya ay ka soo wada jeedaan oo gabooye ah ay guursato waxa la qorayaa qof ka dhimatay qoyskeedii in la dilo oo kow lagaga siiyana ka yaab. Cadaalad yaraanta dadka xumaanta intaa Le’eg inagu qaba ayuu maangaabku odhanayaa muxuu sidaa ugu hadlayaa? Hadda waa nin keliya oo dhalinyaro ah oo mar hadlay. Siduu u hadli karaa isagoo gabooye ah saw maaha? Anigu hadii aanan u hiilin karayn in aan ka hiiliyo igama eegtaan. Wuxuu doono ee isaga sax ula muuqdana waan ku raacsanahay oo waan ku taageerayaa kol aan eray u idhaana hadii aanan wax kale tari karayn,

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF “CALI GURAY”

COMMENTS
LINKS