|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkadda Facebook Oo Fariin Adag Udirtay Macaamiisheeda Ku Sugan Dalka Australia.
September 2, 2020 - Written by Editor:Sydney (W,N)- Shirkadda barta xidhiidhka Bulshada ee Facebook ayaa ku hanjabtay in macaamiisheeda ku sugan waddanka Australia ay ka mamnuuci doonto inay wararka iskula wadaagaan bartaasi, xilli ay shirkaddu diyaarinayso sharci cusub oo ku khasbaya inuu lacag ku bixiyo warbixinnada ay macaamiishu ku soo daabacaan barteeda. Hay`adaha maamula shirkadaha ayaa ka doonaya shirkadaha sida Facebook iyo Google inay lacag ku bixiyaan warbixinnada dib loo daabaco. Bishii la soo dhaafay Google ayaa macaamiishiisa uga digay in taasi ay ka dhalan karto in adeegyadiisa wax baadhitaanka ay ka sii daraan. Tallaabadan ugu dambeysay ee Facebook ee lagu mamnuucayo in warka la iskula wadaago bartaas ayaa xiisad ka dhex dhalisay shirkadaha teknolojiyadda iyo hay`adaha maamula. Facebook waxay sheegtay in haddii sharcigan cusub la dhaqan geliyo ay ka joojin doonto dadka ku nool Australia inay warka iskula wadaagaan bartaas iyo barta kale ee ay maamusho ee Instagram.
Related posts:Wasiirka Cadaaladda Oo Saxeexii Ka Hakiyey Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda & Qoraallo Isku Lid Ah Oo A... Madaxweynaha Somaliland Oo Booqday Danyarta Ku Hareeraysan Dhaamamka Daammi iyo Jig-jiga Yar Ee Guda... Agaasimaha Madaxtooyada Jsl Oo Agab Caafimaad Kala Wareegay Masuuliyiinta Safaaradda Taiwan ku Leed... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|