Shirkadda DP World Oo Taag Casriya Ku Wareejisay Somaliland, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkadda DP World Oo Taag Casriya Ku Wareejisay Somaliland,
September 2, 2020 - Written by Editor:

BERBERA(W,N)-Shirkadda DP World, ayaa sheegtay inay Hal Taag oo cusub ku wareejisay Hay’adda Dekeddaha Somaliland. Kaas oo qayb ka ah qorshaha lagu kordhinaayo awooda adeega ballaadhinta dekedda Berbera.

Taagan cusub oo loo bixiyey Sanaag ayaa soo xidhi doona Maraakibta kusoo xidhata dekedda Berbera iyo kuwa ku xumaada badda dhexdeeda , waxaana muddo laba iyo toban bilood ah lagu tababari doona hawlwadeenada ku shaqayn doona taagan cusub ee casriga ah.

Shirkadda Dp World ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in taagan casriga ah oo dhererkiisu yahay 12.3 mitir uu kaalin ka qaadan doono horumarka adeegga dekedda Berbera.

Waxa kale oo ay shirkadda Dp World sheegtay in ay dhawaan dhammaystirtay 400 boqol oo mitir oo lagu ballaadhinayey dekedda Berbera islamarkaana uu mashruucisa dhammaaday boqolkiiba Toddobaatan.

Shirkadda DP World ayaa intaasi ku dartay in marka uu mashruucani dhammaado ay dekeddu qaadi doonto 500.000 (shan boqol oo kun oo kontiinar) sannadkii. Waxaanay tilmaantay in qorshahoodu yahay in Marsada Berbera ay noqoto xuddunta ganacsiga geeska Afrika.

COMMENTS
LINKS