|
|||||
WAJAALE NEWS
Shirkada Facebook Oo Ka Xayirtay Tebinta Tooska Ah Nin Damacsanaa In Dhimashadiisa Toos Looga Daawado!
September 6, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Shirkada Facebook ayaa ka xayirtay tebinta tooska ah nin damacsanaa in dhimashadiisa toos looga daawado, Alain Cocq oo 57 jir u dhashay dalka Faraansiiska ayaa damcay in uu marka uu dhimanaayo uu ku baahiyo Facebook. Ninkan ayaa diiday cuntada, cabitaanka iyo dawooyinkiiba maalintii Sabtidii, waxaanu qorshaystay in uu maalmaha noloshiisa ugu dambeeya toos uga baahiyo bogga uu ku leeyahay shabakadda Facebook, Bishii Juulaay ayaa Cocq waxa uu warqad u diray Madaxweynaha dalka Faransiiska Mr Macron uu kaga codsanayo in loo fasaxo in “dil loogu raaxeeyo” isaga oo ku tilmaamay xaaladiisa “duruuf ba’an oo xanuun badan”. Macron ayaa sheegay in ay “damaqday” warqaddaasi laakiin aanu codsigiisaa u fulin karin maadaama oo aanu “sharciga ka weynayn”. Geestiisa Afhayeen u hadlayShirkada Facebook ayaa u sheegay “In kasta oo aanu tix gelinayno go’aanka Cocq ee uu ku doonayo in dadku ogaadaa duruufta adag ee uu ku nool yahay, hadana markaanu la tashanay khubarada [sharciga] waxaanu go’aan ku gaadhnayn in aanaan u ogolaan Alain Cocq in boggiisa laga baahiyo muuqaalo toos ah.” BBC – AFP Related posts:DAAWO: Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Oo Ka Hadlay Dirir Deegaanka Dararwayne Ku Dhex Martay... Wasiirka Hore Ee Arrimaha DIbadda Somaliland Ayaa loo Magacaabay Danjire sharafeed Arrimaha Raashink... Wasiirka Arimaha Gudaha Jsl Oo Kulan Deg Deg Ah Iskugu Yeedhay Maayar Mooge Iyo Xildhibaanada Golaha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|