|
|||||
WAJAALE NEWS
Safiirka Maraykanka Ufadhiya Somaliya Oo Madaxda Somaaliya Ugu Baaqay Inay Isku Tanaasulaan.
September 5, 2020 - Written by Editor:MUQDISHO(W,N)-Safiirka Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Danjire Donald Yamamoto ayaa war uu soo saaray Wuxuu bogaadiyay hannaanka Dowladda Soomaaliya ay hadda U wajaheyso xaaladda siyaasadda dalka iyo wada-hadallada lagu wado iney ka furmaan magaalada Muqdisho. Qoraal kooban oo lagu faafiyay barta Twitter-ka ayaa waxay safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ugu baaqday, hoggaanka dalka iyo maamul Goboleedyada iney la yimaadaan dabacsanaan siyaasadeed iyo isu-tanaasul. Dhinaca kale waxay safaaradda Mareykanka ammaantay dowrkii hoggaamineed ee uu la yimid madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor qoor”. Hadalka safaaradda Mareykanka ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli Muqdisho ay ku suganyihiin madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntalnd, islamarkaana la qorsheynayo in Madaxweynaha Soomaaliya ay kala hadlaan xaaladda dalka. Related posts:DAAWO;Wasiir Cukuse Oo Hadal Madaxtooyada Looga Soo Dhiibay Ku Weeraray Musharixiinta Qaadacay Shir... Mujaahid Siciid Indhool oo Ku Amaanay Xukuumada Somaliland Sida Quruxda Badan Usoo Afjartay Shaqaad... Rabshado Caawa Ka Dhacay Magaalada Caynabo Iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Ka Hadlay Dhaawac Soo G... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|