Safiirka Maraykanka Ufadhiya Somaliya Oo Ka Hadlay Natiijada Kulamo Uu Layeeshay Axmed Madoobe Iyo Dani. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safiirka Maraykanka Ufadhiya Somaliya Oo Ka Hadlay Natiijada Kulamo Uu Layeeshay Axmed Madoobe Iyo Dani.
September 3, 2020 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Ambasador Donald Yamamota ayaa ka hadlay kulan uu la qaatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, oo labo maalin kahor tagay Muqdisho.

Warbixin kooban oo lagu dabacay bogga twitterka ee safaaradda ayaa lagu sheegay in safiirku kala hadlay labada madaxweyne, dhameystirka heshiiska Dhuusomareeb3 oo ay labaduba kasoo horjeedeen.

Safiirka Maraykanka ayaa sheegay in ay Soomaaliya u baahan tahay is afgarad & tanaasul lana joogo xiligii ay madaxdu caqli muujin lahaayeen.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay inuu la kulmay madaxweynihi hore ee Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud, isagoo ku dhiirri galiyay in daneeyayaasha siyaasada Soomaaliya ay raadiyaan tanaasul si loo hirgaliyo qaab dhismeedka waqtiga loo dhan yahay, ee dhameystirka heshiiska Dhuusamareeb3.

Beesha caalamka oo ay hormuud u tahay dowladda Maraykanka ayaa si toos ah ugu lug leh isku keenida madaxda federalka iyo madaxda dowlad goboleedka, arrintaas oo la filayo inay ka dhalatay kadib markii Puntland iyo Jubbaland ay beesha caalamka ka dalbadeen inay soo faro galiyaan arrimaha hadda taagan.

COMMENTS
LINKS