|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxkamada Gobolka Gabiley 7cisho Oo Rumaan Ah Ujartay Saraakiil Katirsan Dawlada Hoose Ee Gabiley Oo Arimo Musuq Maasuq Loo Soo Xidhay.
September 19, 2020 - Written by Editor:GABILEY(W,N)- Xafiiska Hantidhowraha Guud Ee Qaran Oo Mudooyinkii Udanbeeyay Baadhitaano Musuq Maasuq ka Waday Gobolada Dalka Ayaa Xabsiga Utaxaabtay Saraakiil katirsan Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Gabiley Laba Cisho ka Hor. Maxkamada Gobolka Gabiley oo maanta la horkeenay Afar kamid ah Shaqaalaha Dawlada Hoose Ee Gabiley ayaa Udirtay 7cisho oo rumaan ah si Xafiiska Hanti Dhowraha Guud Usoo dhamays tiraan Eedaha Musuq Maasuq Ee ay kusoo Oogayso. Masuuliyiintan Maanta Maxkamadu Rumaanka U Jartay Ayaa Kala Ah Agaasimayaasha Waaxaha Maaliyada Iyo Arimaha Bulshada Dawlada Hoose Iyo Sido Kale Mushaar Bixiyaha Iyo Shidaal Bixiyaha Dawlada Hoose Ee Gabiley.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|