|
|||||
WAJAALE NEWS
Magacyada Laba Dhallinyaro Ah Oo Geeriyooday Kadib Markii Ay Liqday Bada Berbera!
September 29, 2020 - Written by Editor:Berbera(W,N)-Wararka ka Imanaya Magaalo xeebeedka Berbera ayaa sheegaya in laba dhallinyaro ah oo saaka ka tagay Caasimada Hargaysa ay geeriyoodeen kadib markii ay badu liqday. Labadan Marxuun ee ay badu liqday ayaa la kala odhan jiray Samiir Cali Cabdi iyo Maxamed C.raxmaan Xaashi Warku wuxuu intaas ku darayaa inuu shilkan ka badbaaday hal wiil oo la socday labada marxuun Waxaana sidaas warbaahinta u xaqiijiyey Taliyaha hawlgelinta Ciidanka booliska ee Gobolka Saaxil Aamiin maxamed Cabdi. Taliyuhu waxa uu intaas raaciyey in la aqoonsaday labada marxuun ee geeriyooday Waxa uu Taliyaha hawlgelinta Ciidanka Booliska ee gobolka Saaxil ugu baaqay dhallinyaradda Somaliland ee dabaasha iyo dalxiiska u imanaya magaalo xeebeedka Berbera ay ka taxadiraan inay galaan badda maadaama ay xiligan Kacsan tahay. WAJAALENEWS DESK Related posts:“Madaxwayne Muusow Waxaan Ku Leeyahay, Waxaan Kuu Soconayn Waxba Haku Faran, Anagana Ilaahay Mareexa... Roob Dabaylo Wata Oo Ka Da,ay Deegaanka Hoos Yimaada Magaalada Boorama Oo Sobobay Khasaare Naf Iyo ... Daawo:- “Mar Hadday Joogsatay Oo Asxaabtii La Baabiiyay Shir-Beeleed Ayaanu Ku Dhawaaqaynaa” Faysal ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|