|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Shirka Kulmiye Kaga Qayb-galaya Farriin Qoraal Ah Oo Uu Imaaraadka Uga Soo Soo Dhiibayo Xubin Qoyskiisa Ka Mid Ah!
September 30, 2020 - Written by Editor:Baashe Cawil Oo La filayo Inuu Shirka Kulmiye ka akhriyo Warqadda Uu Axmed-Siilaanyo Uga soo dhiibayo Imaaraadka Carabta! Hargeysa (W,N) – Shirweynaha Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE ayaa lagu wadaa inuu Magaalada Hargeysa ka furmo 4-ta bisha October, 2020. Shirweynaha oo qaban-qaabadiisa laga dareemayo Magaalooyinka Somaliland, gaar ahaan Magaalada Hargeysa ayaa waxa soo kordhaya Wararka la xidhiidha siyaasiyiinta ka qayb-galaya, kuwa aan ka qayb-galaynin iyo kuwo doonaya inay si kale uga dhex muuqdaan. Siyaasiyiinta la hadal-hayo in aanay ka qayb-galaynin waxa ka mid ah Aasasaha Xisbigaasi Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isaga iyo Xubno Qoyskiisa ka mid ahi ay Laba Toddobaad ka hor ka dhoofeen Magaalada Hargeysa, iyagoo tagay dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta, arrintaasi oo xilligaa keentay su’aal ah sababta uu dalka uga dhoofay maaddaama oo uu wakhti kooban ka hadhsan yahay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye. Laakiin, Ilo-wareedyo Xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inaan Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo aanu ka qayb-galaynin Shirweynaha Xisbiga KULMIYE, balse uu doonayo in shirka laga akhriyo dhambaal uu ka soo diri doono dalka Imaaraadka Carabta. Warka ayaa intaa ku daraya, in Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu Warqad u soo dhiibayo Wiilka uu sodogga u yahay ee Baashe Cawil Cumar oo dhawaan ka soo ambo-baxaya Dalka Imaaraadka si uu Shirka uga qayb-galo isla-markaana uu uga akhriyo khudbadda qoran ee Axmed-siilaanyo u soo dhiibayo.
Related posts:“Goleyaasha Sharci-dejintana Waxaan Ka Codsanayaa Inay Soo Saaraan Xeer Nimdaamiye Xakameeya Madax-d... Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland Oo Digniino Culus Soo Saaray, Shaaciyayna In Aanay Imt... Daawo-Hargeisa Xarunta Safaarada Dalka Djabouti Oo Bilaabay Diwaangalinta Dadka Hawlgabka Ah, Sharci... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|