|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Ku-xigeenka Jsl Oo Shubay Lacagtii Shuruudda Lagaga Dhigay Musharraxiinta U Tartamaya Hoggaanka Xisbiga Kulmiye,
September 3, 2020 - Written by Editor:Tartan Adag Oo Jagada 4-aad Ee Hoggaanka Kulmiye Ku dhex Mari Doonta Madaxweyne ku-xigeenka Iyo Wasiirka Ganacsiga Iyo Warshadaha Hargeysa(W,N)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shubay Lacagtii Shuruudda looga dhigay Musharraxiinta u tartamaya Hoggaanka Xisbiga KULMIYE. Mudane Saylici wuxuu doonayaa inuu sii xajisto Jagada Guddoomiye ku-xigeenka 4-aad ee Xisbul-Xaakimka KULMIYE oo uu ku fadhiyey dhowr iyo tobankii sanadood ee u dambeeyay, waxaanse uu Madaxweyne ku-xigeenka tartan ka soo waajahayaa Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda uu Madaxweyne ku-xigeenka yahay Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo isaguna shubay Lacagta Shuruudda ah, si uu ugu tartamo kursiga uu Madaxweyne ku-xigeen Saylici ku fadhiyo. Dhanka kale waxaa isna shubay lacagtii shuruuda lagaga dhigay qofka utartamaya hogaanka xisbiga kulmiye wasiirka wasaarada beeraha Axmed muumin seed oo isna utartami doona jada gudoomiye kuxigeenka afraad ee xisbiga kulmiye kaasi oo noqonaya masuulkii sedexaad ee kasoo jeeda gobolka awdal ee utartamaya Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Saylici iyo Wasiirka Ganacsiga & Warshada Mr. Saajin Iyo wasiirka beeraha Seed ayaa waxay ka soo wada jeedaan Gobolka Awdal, waxaana la saadaalinayaa inuu tartan adag oo wata xafiiltan siyaasadeed dhex maro labadan Masuul. Tartankan ayaa xiiso iyo xamaasad u yeeli doona Shirweynaha Xisbiga KULMIYE, waxaana labadan Masuul ee isku gobolka ka soo jeedaa u muuqdaan inay yihiin labada Masuul ee uu tartanka ugu adagi ku dhex marayo shirweynaha Xisbiga KULMIYE. WAJAALENEWS DESK HARGEISA OFFICE. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|