|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka Ah.
September 6, 2020 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta qasriga Madaxtooyada shir muhiima kula qaatay hoggaanka Ururrada Bulshada Rayidka ah ee ka hawlgala Somaliland. Kulankan, waxa lagu lafo-guray sidii Ururrada Bulshada rayidka ahi ay qayb uga qaadan lahaayeen arrimaha dardargelinta doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, isla markaana si wada-jira loogu hirgelin lahaa hiigsiga iyo himilooyinka dalka ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka, doorka dhallinyarada iyo haweenka ee ka qayb-qaadashada doorashooyinka iyo dhiirri-gelinta aqoonta saxaafadda. Dhankooda, hoggaanka Ururrada Bulshada rayidka ahi waxay muujiyeen dareenkooda ku aaddan inay diyaar u yihiin gacan-ka-geysashada iyo ka midho-dhalinta qorsheyaasha horumarineed ee dalka. Gebagebadii shirka, Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku bogaadiyey Ururradda Bulshada Rayidka ah dedaalka ay ugu jiraan horumarka dalka, Wuxuuna Madaxwaynuhu hoga-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo wada-shaqaynta Ururrada Bulshada, kuna adkeeyey inay sii kordhiyaan ka shaqaynta arrimaha bulshada ee dalkooda. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|