|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somailand Oo Kulan la Qaatay Xubnaha Komishanka Doorashooyinka.
September 23, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada kulan kula qaatay xubnaha guddida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland, waxana kulankaas diiradda lagu saaray hawlaha qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka. Ugu horrayn Guddida Komishanka doorashooyinka qaranku waxay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, warbixin ka siiyeen hawlaha diyaar garowga qabsoomidda doorashooyinka wakiillada iyo deegaanka, iyagoo xusay inay guda-galeen shaqadii doorashooyinka, sidoo kalena ay gacanta ku hayaan bilowga diwaangelinta codbixiyayaasha. Madaxweynuhu waxa uu ku bogaadinyey Komishanka doorashooyinka qaranka sida hagar la’aanta ah ee ay hawsha u wadaaan, wuxuuna ku adkeeyay in doorashooyinku ku qabsoomaan muddadii ay hore ugu cayimeen inay doorashooyinku ku qabsoomi karaan. Dhinacooda, Guddida Komishanka doorashooyinku waxay madaxweynaha u caddeeyeen in qorshahoodu yahay sidii ay doorashooyinku ugu qabsoomi lahaayeen waqtigii hore loo shaaciyey. Ugu danbayn, madaxweynaha iyo Guddida Komishanka doorashooyinku waxay isla garteen in la dardar geliyo qabsoomidda doorashooyinka, waxaana madaxweynaha kulankaas ku wehelinayay madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici). ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:War Deg Deg Ah: Weriyihii Telefishanka SOMSAT Ee Gobolka Gabiley Oo Si Sharci Darro Ah Goor Dhawayd ... “Farmaajo Malaha Wuxu U Haystaa Berbera, Odaygii Adeerkii Ahaa Amaano Uu Noogu Dhiibay” Cali Guray DAAWO; Xildhibaan Ibrahim Axmed Haybe Oo Shacabka Reer Gabilay Ugu Baaqay In Ay Is Diwaan Galiyaan. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|