|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Qoyska Marxuum Cali Sandule Oo Hargaysa Ku Geeriyooday.
September 12, 2020 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE: 12/09/2020 INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 12/09/2020, caasimada Somaliland ee Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi door muhiima ka soo qaatay dib u dhiskii dalka iyo nabadaynta shacbiga Somaliland, isagoo xilal muhiima oo kala duwan ka soo qabtay qaranka. Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, siyaasiyiinta dalka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|