|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Qoyska Iyo Shacabka Uu Ka Baxay Marxuum Axmed Cumar Xasan Guuleed Oo Ku Geeriyooday Hargaysa.
September 10, 2020 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Eng. Axmed Cumar Xasan Guuleed oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 10/09/2020 caasimada Somaliland ee Hargeysa.Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi dhammaan qoyska reer Cumar Xasan Guuleed. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|