|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha DDSI Mustafe Cagjar Oo Maanta Bilaabay Lacag Badalka Deegaanada Somalida.
September 19, 2020 - Written by Editor:JIG JIGA(W,N)-Madaxwayne Mustafa Muxumed Cumar oo maanta bilaabay lacag bedelka Degaanka Soomaalida ayaa ka hadlay dhawr arrimood. Madaxwaynaha waxaa uu sheegay in hawshii la xidhiidhay lacag badalka iyo cabashadii shacabka ay xal ka gaadheen isla markaana la ilaalinayo hantida ummada degaanka. Madaxwaynaha oo kulan la yeeshay maareeyasha Bankiyada ka jira degaanka ayaa sheegay in la faray maamulada heerarkooda kala duwan in haday jiraan dad lacago laga qaaday loo celiyo. Madaxwayanaha ayaa tibaaxay in hadafka lacag badalka uu yahay in la xakameeyo lacag gaadhaysa 109 Bilyan oo si sharci darro ah lagala baxay dalka. Related posts:Wasiirka Diinta Iyo Awqaafta Oo Imaamyada Masaajidada Ku Amray Inay Mideeyaan Eedaanka Salaadaha, Gudoomiyaha Haayada Qaxoontiga Iyo Barkacayaasha Oo Ka Hadlay Talo Soojeedintii Gudida Ganacsatada I... Shirkada Telesom Oo Siwayn Uga Dhex Muuqata Carwada Ganacsiga Somaliland Iyo Dadwaynaha Oo Safaf U... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|