Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Socda Midawga Yurub, Sweden Iyo UK. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wafti Ka Socda Midawga Yurub, Sweden Iyo UK.
September 21, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Komishanka Doorashooyinka Qaranku wuxuu xafiiskiisa ku qaabilay wafti ka socda Midawga Yurub iyo waddamada Sweden iyo UK. Waftigaas oo uu hogaaminayay Safiirka Midawga Yurub Mudane. Nicolas Berlanga ayaa sidoo kale waxa ku wehelinayay Safiirka Sweden Mudane. Staffan Tillander iyo Madaxa Xafiiska UK ee Somaliland, Mudane. Stuart Brown.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay guud ahaan arrimaha doorashada Somaliland oo hawlgalkeedii hadda socdo iyo sii xoojinta doorka taageero ee ay beesha caalamku Somaliland ka siiso arrimaha la xidhiidha dimuqraadiyadda iyo hirgalinta doorashooyinka.

COMMENTS
LINKS