|
|||||
WAJAALE NEWS
Itoobiya Oo Dambiyo Argigixiso Kusoo Oogtay Hoggaamiyaha Mucaaradka Oromada Iyo Siyaasiyiin Kale Oo Uu Ku Jiro Jawar Mohammed
September 20, 2020 - Written by Editor:Addis Ababa(W,N)-Itoobiya ayaa ka gudbisay dacwado argagixiso oo ay ku soo oogtay maalqabeenka caanka ah iyo siyaasiga mucaaradka ee kasoo jeeda qowmiyada Oromada, Jawar Mohammed. Jawar, oo ah aasaasaha shabakada warbaahinta Oromiya isla markaana xubin ka ah xisbiga Oromo Federalist Congress, ayaa la qabtay bishii June xilli ay socdeen rabshado baahsan oo ka dhashay dilkii heesaaga reer Oromo ah Haacaaluu Hundeessaa. Jawar iyo 22 dhaqdhaqaaqe, oo uu ku jiro hogaamiyaha mucaaradka ee Oromada Bekele Garba, ayaa waajahaya dacwado la xidhiidha ku xad gudubka sharciyada ladagaalanka argagixisada, isgaarsiinta iyo hubka. Eedeeysanayaasha ayaa hortagi doona maxkamada maalinta Isniinta si ay uga jawaabaan dambiyada loo soo jeediyay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dalka Ethiopia. Jawar oo hore xulufo ula ahaa raiisul wasaare Abiy Ahmed ayaa door weyn ku lahaa mudaharaadkii oromada ee Abiy xukunka ku helay 2018. Laakiin wuxuu markii dambe kamid noqday dadka dhaliila siyaasada Abiy Ahmed, isaga oo ku eedeeyay inuu ilaalin waayey danaha Oromada. Related posts:Mudanayaal Ka Tirsan Gollaha Guurtidda Somaliland Oo Soo Dhigay Mooshin Ka Dhan Ah Muddo-Xileedka X... Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Ka Hadley Heshiiskii Saddex Geesoodka Ahaa Ee Dekada Berbera Iyo Mash... Wasiiro Xukuumadu Udirtay Xal Uhelida Khilaafka Ka Taagan Magaalada Wajaale Oo Ku Gabal Dhacsaday Sh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|