Hoggaanka Xisbiyada Qaranka Oo Ka Dooday Shuruudaha Lagu Soo Xulayo Musharrixiinta Golaha Wakiilada Iyo Deegaanka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hoggaanka Xisbiyada Qaranka Oo Ka Dooday Shuruudaha Lagu Soo Xulayo Musharrixiinta Golaha Wakiilada Iyo Deegaanka!
September 10, 2020 - Written by Editor:

WAR-SAXAAFADEED:

Maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka Sep 2020-ka, waxaa Shir isugu yimid Guddida wada-hadalka Xisbiyada Qaran ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI oo ay kala hoggaaminayeen Madaxweyne Kuxigeenka JSL Mudane Cabdiraxmaan Saylic, Eng Faysal Cali Waraabe, & Mudane Cabdiraxmaan Cirro.

 Ujeedada Kulanka Xisbiyada Qaranka JSL waxa ay ahayd sii loo sii ambaqaadi lahaa howlaha dardargelinta ee Doorashada isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka ee dhawaan dhici doonta.

 Saddexda Xisbi Qaran waxa ay saaka dood ka yeesheen sidii ay Xisbiyadu  u soo wada saari lahaayeen Shuruudo isku mid ah (Criteria) oo lagu soo xuli doono Musharrixiinta Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka iyada oo la tixraacayo Xeerarka Doorashooyinka iyo Xeer-hoosaadyada Xisbiyada.

HALKAN KAGA BOGO FAAH FAAHINTA WARKAN;

COMMENTS
LINKS