|
|||||
WAJAALE NEWS
“Halkaas Aad Aragtaa Waa Dhaamkii Jig Jiga Yar, Haddii Aynu Weynay Dawlad Xil-Kas Ah, Miyeynu Noqon Kari Weynay Shacab..”Abwaan Weedhsame.
September 6, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) Oo kamid ah hal abuurka reer Somaliland ayaa ka hadlay Muuqaalka wakhtiga ee dhaamka xaafada jig jiga yar oo wakhtigan ay buux dhaafiyeen xashin iyo Caagado ay biyuhu dhinac iskaga saarin kaasi oo khatar caafimaad ka dhalayso balse kuwii xilku ka Saaraan iyo Shacabku Daawade ka Yihiin. Abwaan Weedhsame ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga kaga hadlay wuxuna udhignaa Sidan; Halkaas Aad Aragtaa Waa Dhaamkii Jig Jiga Yar; Waxaas cad ee aad arkayso ee biyuhu cidhifka iska dhigeena waa caagadihii biyaha iyo sharaabka inta laga cabay la iska qubay. Caagadaha ka samaysan balastigu (plastics) inay ciidda ku milmaan oo ay ka mid noqdaan, waxay ku qaadataa muddo lagu qiyaasay 450 sanno. Waxa aynu dugsanaynaa Halis deegaan, oo cidhib-xumaanteedu ubadka inaga dambeeyaa qaanteeda bixin doonaan. Haddii aynu weynay Dawlad xil-kas ah, miyeynu noqon kari weynay shacab xil-kas ah. Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil “Weedhsame” COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|