Haayada WHO Oo Ka Hadashay Dalal Ay Somaliya Safka Hore Kaga Jirto Oo Musuq Maasuqay Dhaqaalihii Covid19. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haayada WHO Oo Ka Hadashay Dalal Ay Somaliya Safka Hore Kaga Jirto Oo Musuq Maasuqay Dhaqaalihii Covid19.
September 7, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Kampala)-Kenya, Zimbabwe, Uganda, Soomaaliya iyo Nigeria ayaa lagu tilmaamay inay safka hore kaga jiraan kiisaska musuqmaasuq ee bililiqaysiga lacagaha Covid-19 ee caalamka ugu deeqay.

Waxaa laga cabsi qabaa in dalal badan oo kale ay soo ifbaxaan sida ay sheegayan baadhitaanka iyo macluumaad dheeri ah oo soo ifbaxaya.

Agaasimaha Guud ee Ururka Caafimaadka Adduunka Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa la simay musuqmaasuqa qalabka badqebka shaqaalaha caafimaadka inuu lamid yahay dil.

“Heer kasta ama nooc kasta oo musuqmaasuq lama aqbali karo. Si kastaba ha noqotee, musuqmaasuqa la xidhiidha qalabka badqebka shaqaalaha caafimaadka aniga ahaan runtii waa dil. Sababtoo ah, haddii shaqaalaha caafimaadku shaqeeyaan bilaa qalab, waxaan khatar galineynaa noloshooda taasna waxay sidoo kale halis gelineysaa nolosha dadka ay u adeegaan. Marka waa dambi waana dil, ”Dr Ghebreyesus ayaa yidhi.

Hay’adda caafimaadka adduunka waxay sheegtay kiisaska ilaa iyo hadda la ogaaday xatooyadooda iyo leexsiga lacagta gargaarka ee loogu talagalay dadka nugul ay kor u dhaaftay balaayiin doollar.

COMMENTS
LINKS