Gudoomiyihii Degmada Agabar Ee Gobolka Gabiley Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Cida Amartay Xadhigiisa! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyihii Degmada Agabar Ee Gobolka Gabiley Oo Xabsiga Loo Taxaabay Iyo Cida Amartay Xadhigiisa!
September 20, 2020 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Gudoomiyaha  Degmada Agabar Ee gobolka Gabiley Mudane Axmed Cumar Geele ayaa xabsiga loo taxaabay kaasi oo hada ku xidhay saldhiga Magaalada Gabiley.

Sida Ay shabakada wararka ee wajaalenews uxaqiijyeen xubno kamid ah maamulka degmada agabar ayaa sheegay in shalay gudoomiyaha laga soo xidhay magaalada agabar kadib markii ay soo gaadheen laba gaadhi oo ciidan kuwaasi oo ku wargaliyay Gudoomiyaha in ay usocdaan xadhigiisa oo uu soo amray badhasaabka gobolka gabiley ,sidaa uu kusoo raacay ciidankii oo keentay magaalada gabiley oo hada uu ku xidhay yahay gudoomiyuhu.

Sidoo kale Xadhiga gudoomiyaha degmada Agabar ayaa xogaha Aanu ka helaynaa la xidhiidhiyeen in ay sobobtay kadib markii dadwaynaha ku dhaqan degmada agabar ay cabasho Ay ka qabaan maamulka gobolka gabiley waraabinta mariyeen,

Majirto wax war ah oo ku saabsan xadhiga gudoomiyaha degmada Agabar oo kasoo baxay maamulka gobolka Gabiley, Talaabada lagu xidhay gudoomiyaha degmada Agabar Iyo  sifaha loo maray ayaa dhalisay dareeno kala duwan taasi oo banaanka keentay kala duwanaanshaha awooda iyo sharciyada badhasaabka u ogalaatay in uu xidho gudoomiye degmo bilaa waaran, kaasi oo Aanu badhasaabku shuqul ku lahayn magacaabistoosa ayna kala madaxbanaan yihiin, dhinaca maamulka iyo wada shaqaynta gobolka mooyee,

Wixii kasoo kordha xadhiga gudoomiyaha degmada Agabar kala soco wararkeena danbe

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

 

COMMENTS
LINKS