Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Tacsi Udiray Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuum Dr Mahdi Jaamac Rooble Oo Ku Geeriyooday Dalka Ingiriiska. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Oo Tacsi Udiray Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu Ka Baxay Marxuum Dr Mahdi Jaamac Rooble Oo Ku Geeriyooday Dalka Ingiriiska.
September 28, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Gudoomiyaha  Xisbiga Mucaaridka ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi “Cirro” ayaa shacabka reer Somaliland iyo qoyskii iyo qaraabadii ka baxay Ka Tacsiyadeeyay Marxuum Dr Mahdi Jaamac Rooble oo Habeenkii xalay ahayd ku geeriyooday dalka Ingiriiska kaasi oo kamid ahaan AqoonyahanRreer Somaliland ee ku dhaqan gariga ingiriiska .

Gudoomiye Cirro Oo ka hadlay geerida Marxuum Dr Mahdi Jaamac Rooble Ayaa Wuxu Yidhi;

“Waxa Aan tacsi la wadaagayaa qoyskii, qaraabadii, eheladii, waxgaradkii, Bahda Xisbiga WADDANI UK & Xisbiga Guud ahaanba geerida naxdinta leh ee ku timid Alle ha u naxariistee Marxuum Dr Mahdi Jaamac Rooble oo ku geeriyooday dalka Boqortooyada Ingiriiska.

Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Aasaasayaashii Xisbiga WADDANI fariciisa Dalka Ingiriiska, waxaana Ilaahay uga baryayaa in uu Jannatul Firdowsa geeyo, innagana guud ahaan samir iyo iimaan saadaq ha inaga wada siiyo.

Aamiin.

COMMENTS
LINKS