Gabadh Reer Somaliland Ah Oo Ku Guulleysatay Tartanka Quruxda Haweenka Muslimiinta Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabadh Reer Somaliland Ah Oo Ku Guulleysatay Tartanka Quruxda Haweenka Muslimiinta Ah
September 29, 2020 - Written by Editor:

Mareykanka(W,N)-Sahra Abuukar oo ah gabadh reer Somaliland ah oo qaxooti ku ah dalka Mareykanka ayaa ku guulleysatay tartanka quruxda hablaha Muslimiinta ah ee Mareykanka.

Waxay sheegtay inay dooneyso inay tusaale u noqoto haweenka Muslimiinta ah.

Sahra waxa ay naqshadeysaa dharka, ayada ayaana tolata inta badan dharkeeda. “Marka aad maqasho cabaayad, waxa ugu horreeya ee kugu soo dhacaya waa maro madow. Waan jeclahay madowga, waa kaladh dookheyga ah. Balse marka ay cabaayad noqoto, waxaan jeclahay kaladhada muuqda.” Ayay tidhi.

Gabadhan oo 23 jir ah ayaa ku nooleyd Turkiga muddo toddoba sanno ah ka hor inta ayna u wareegin Mareykanka, sannadkii 2014.

Tartankan oo sanadkii afaraad la qabanayo ayaa waxaa sannadkan ku tartamay 15 hablood oo da`doodu u dhaxeyso 15 ilaa 30.

COMMENTS
LINKS