|
|||||
WAJAALE NEWS
Dowladda Kenya Oo Xayirtay Hantida Sagaal Ruux Oo Ay Ku Eedeysay Iney Maal-geliyaan Al-shabaab.
September 2, 2020 - Written by Editor:NARIOBI(W,N)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Kenya Fred Matiang’I Ayaa magacaabay sagaal ruux uu sheegay iney Leeyihiin mas’uuliyadda maal-gelinta Ururka Al-shabaab oo dhowr jeer weeraray qeybo kamid dalkaas. Matiang’i ayaa wuxuu sidoo kale amray in la xayiro hantida shakhsiyaadkaas, sidoo kalana la fariisiyo xisaabahooda bangiyada. “Waxaan amrayaa in la xayiro lacagahooda bangiyada iyo dhaqdhaqaaqa hantidoodaba dadkaan gaadhaya sagaalka ruux” ayuu wasiirka ammaanka Kenya u sheegay Warbaahinta. “Sagaalkaan qof ayaa waxay kala yihiin Halima Ali, Waleed Zain, Sheikh Boru, Mohammed Ali, Nuseiba Haji l, Abdimajit Hassan, Mohammed Ali Abdi, Mukhtar Ali iyo Mire Elmi” ayuu wasiir Matiang’i ku sheegay dadka uu ku eedeeyay maal-gelinta Al-shabaab ee Kenya, isagoo sidoo kale soo bandhigay sharciyadooda Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Kenya ayaa waxa uu sidoo kale qeexay in Al-shabaab ay halis ku yihiin nolosha Kenyaanka. Kooxda Al-shabaab ayaa dhowr jeer ooh ore weerar ka geysatay gudaha dalka Kenya kuwaasi oo sobobay khasaare nafeed iyo mid hantiyeedba. WAJAALENEWS DESK Related posts:Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Sedex Arday Oo Ku Dhaawacmay Rabshado Ka Dhacay Deegaano Katirsa... Madaxweynaha Jsl Oo Xadhiga ka Jaray 130 dhisme Oo lagu Kordhiyey Goobaha Waxbarashada Ee dalka. War Deg-Dega:M/waynaha Somaliland Oo Safar Ugu Baxay Gobolada Bariga Somaliland Xili ay Isasoo Taras... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|