|
|||||
WAJAALE NEWS
Dedaallo La Doonayay In La Isugu Soo Dhaweeyo Madaxweyne Ku-xigeenka & Wasiir Saajin Oo Guul-daraystay
September 27, 2020 - Written by Editor:Hargeysa (W,N)-Waxa lagu guul-daraystay in la isku soo dhaweeyo Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Md. Maxamed Xasan Sacad (Saajin) oo doonaya inay ku tartamaan kursiga Afraad ee Hoggaanka Xisbiga KULMIYE, kaasi oo uu dhowr iyo tobankii sanadood ee u dambeeyay uu ku fadhiyey Madaxweyne ku-xigeenku. Toddobaadyadii u dambeeyay oo dhan waxa socday dedaallo lagu doonayey in lagu dhexdhexaadiyo labadan Masuul, laakiin dedaalladaasi waxay noqdeen Hal Bacaad lagu lisay. Madaxweyne ku-xigeenka Md. Saylici iyo Wasiir Saajin oo tan iyo markii uu loolankoodu bilaabmay aan yeelan kulan toos ah ayaa si weyn u sii kala fogaaday, waxaana loolankooda laga dareemayaa magaalooyinka Hargeysa iyo Borama. Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo xaqiijiyey inaan guul laga gaadhin dedaallo lagu dhexdhexaadinayey oo ay ka qayb-qaateen Siyaasiyiin, Waxgarad iyo Madax-dhaqameed ka soo kala jeeda Somaliland oo dhan, taasi oo ka dhigan ina Madaxweyne ku-xigeenka iyo Wasiirka Ganacsiga ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay ku tartami doonaan Kursiga Afraad ee Hoggaanka Xisbul-xaakimka Kulmiye.
Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga Kulmiye ayaa ku beegan 4-ta bisha soo socota ee October, 2020.
Related posts:Dawladda Shiinaha Oo Muddo Hal Todobaad Ka Yar Ku Dhistay Cisbitaal 1000 Sariirood La Dhigi Karo. Qaraxyo Ismiidaamin ah Oo Goor Dhawayd Ka Dhacay Hotel Naasa Hablood ee Magaalada Muqdisho Iyo Khasa... Warbaahinta Qaranka Oo Soo Turjuntay Xaqiiqada Waraysigii Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ito... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|