Dawlada Sacuudiga Oo Shuruudo Kusoo Rogtay Dadka Imanaya Cumrada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Sacuudiga Oo Shuruudo Kusoo Rogtay Dadka Imanaya Cumrada!
September 30, 2020 - Written by Editor:

RIYAD(W,N)-Dawlada Sacuudi Arabiya  ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo loogu talo galay gudashada Cumrada, oo la hakiyay muddo lix bilood ah sababo la xiriira xanuunka coronavirus.

Si looga hortago faafitaanka COVID-19, dadka cumreysanaya ayaan taaban doonin Xijrul Aswadka.

Masjidka Xaramka oo ah halka ay Kacbadu ku taallo ayaa maalintii la nadiifin doonaa 10 jeer. Sidoo kale dadka ay ka muuqdaan calaamadaha COVID-19 ayaa loo diyaariyay qolal lagu karantiilo.

Sidoo kale Dawlada Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku dhawaaqday Shuruudo cusub oo khuseeya dadka imanaya Cumrada In Ay gutaan taasi oo wakhtiyo u kala qaybisay xujajda iyo  in si tartiib tartiib ah loo furi doono Cumrada, marka la gaadho bisha soo socota.

Laga bilaabo 4-ta October, dadka u dhashay Sacuudiga iyo ajaanibta deggan ayaa loo oggolaan doonaa gudashada Cumrada, iyadoo maalintii ay keliya Masjidka Xaramka ee Maka ay geli karaan 6,000 oo qof.

Halka 18-ka October, ay Boqortooyadu oggolaan doonto in 15,000 oo xujey ah ay Cumrada ku gutaan Al-Masjid al-Nabawi, ee magaalada Madiina.

Dadka ka imaanaya bannaanka Sacuudiga ayaa loo oggolaan doonaa gudashada Cumrada marka la gaadho  1-da November,

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

COMMENTS
LINKS