|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Shaqaalaha Cisbitaalka Wajaale Oo Ka Cawday Mushahar La,aan 7bilood Ah, Wasaarada Caafimaadkana Ku Eedayay In Ay Dayacday.
September 11, 2020 - Written by Editor:TOG WAJAALE(W,N)-Shaqaalaha Ka hawlgala Cisbitaalka Magaalada Wajaale Ayaa ka cawday in aanay wax mushahar Qaadanin Mudo 7bilood ah, Iyagoo sheegay in aanay Wasaarada Caafimaadku Ka Warhaynin,Dayaca kajira dhakhtarkana ay iyadu masuul ka tahay.
Sidoo kale shaqaalaha ka hawlgala cisbitaalka wajaale ayaa sheegay in agaasimihii cisbitaalka ka maqan yahay mudo 3bilood ah wasaaraduna Dayacday. Dhanka kale shaqaalaha cisbitaalka wajaale ayaa wasaarada cafimaadka iyo maamulka gobolka gabiley ugu baaqay in ay soo gaadhaan cisbitaalka wajaale oo awooda shaqaalaha ay dhaaftay hawlaha uu u baahan yahay. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;
Related posts:Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex Iyo Masuuliyiinta Wasaarada Deegaanka Oo Baabiyay Seerayaal Sharci ... DAAWO;-Abwaan Cabdilaahi Xasan Ganey Oo Khudbad Dardaaran Iyo Dhiiri Galin Ah Ujeediyay Ardayda Dugs... Ururka Solja oo Ka Hadley Cashuuro Xad-dhaafa oo Xukuumadu Ku Soo Rogtay Warbaahinta Madaxabanaan COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|