DAAWO;- Dadwaynaha Magaalada Tog Wajaale Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Geed Sun Ah Oo Shirkad Chinese Ahi Ku Beerayso Mashruuca Wajaale . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;- Dadwaynaha Magaalada Tog Wajaale Oo Si Adag Uga Soo Horjeestay Geed Sun Ah Oo Shirkad Chinese Ahi Ku Beerayso Mashruuca Wajaale .
September 19, 2020 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)- Gudoomiyihi Hore Ee Degmada Tog Wajaale Cabdi Saleebaan Kooshin Iyo Qaarkamid ah Dadwaynaha ku Dhaqan Magaalo Ganacsiyeedka Tog Wajaale Ee gobolka gabiley ayaa si adag uga horyimid geed sun Ah  oo lagu beerayo Banka Mashruuca Wajaale kaasi oo Wasaarada beeruhu Sheegtay In Ay Siisay Shirkad Chinese ah,

Sidoo kale shacabka ku dhaqan magaalada wajaale ayaa Madaxwaynaha somaliland ugu baaqay in uu deg deg wax uga qabto qorshahaasi wasaarada beeruhu damacsan tahay in mashruuca wajaale laga beero geedkan suntan oo dad iyo xoolaha halis ku ah.

Dhanka kale bulshada magaalada tog wajaale ayaa ku eedaysay wasaarada beeruhu in ay ku fashilantay wax soo saarkii banka wajaale wakhtigana ay doonayso in geeda sun ah ay ku badashoy,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS