Ciidamada Booliska Magaalada Gabiley Oo Xabsiga U Taxaabay Wiilkii Hablaha Ardayda Ah Si Arxandaro Ah Suunka Ula Dhacayay Ee Muuqaalka Iska Soo Duubay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciidamada Booliska Magaalada Gabiley Oo Xabsiga U Taxaabay Wiilkii Hablaha Ardayda Ah Si Arxandaro Ah Suunka Ula Dhacayay Ee Muuqaalka Iska Soo Duubay.
September 4, 2020 - Written by Editor:

GABILEY(W,N)-Ciidanka Booliska Ee Magaalada Gabiley, ayaa  Xabsiga U Taxaabay Wiil dhalinyaro ah, oo isagoo suun si Arxandaro Ula dhacaya Hablo arday ah muuqaalka  iska soo duubay kaasi oo lagu baahiyay baraha bulshada,

Wiilkan falka foosha xun kula kacay Hablaha ardayda ayaa lagu Magacaabaa Mahad Cabdirasaaq Cali, kana mid ahaa ardayda dugsiga cigaal Primary oo ay Hablaha uu falkan kula kacayna Dhigtaan,

Sidoo kale, Ciidamada Booliska Gobolka Gabiley ayaa  ku daba jira dhalinyaro kale oo falkan kula jiray islamarkaana uun iyaga  sawiradoodu ka muuqanin muuqaalka ay baahiyeen.

Falkan foosha xun ee uu Wiilkan dhalinyarada ahi ka kacay ayaa noqonaya mid noociisu ku cusub yahay bulshada kaasi oo la filayo in uu ku mutaysto ciqaab iyo xadhig adag

Dhanka kale dugsiga Cigaal oo ah ka hablaha ardayda ahi kasoo rawaxeen ayaa qoraal uu soo saaray ku cadeeyay in ay wiilkan gabi ahaanba ka eryeen iskuulka iyagoo wasaarada waxbarashada ku socodsiiyay erga wiilkan falka foosha xun ku kacay oo lagu magacaabo Mahad Cabdirasaaq Cali

Sidoo kale Maamulka Dugsiga Cigaal Primary ayaa laamaha amaanka ka codsaday in talaabo sharci laga qaado

HALKAN KA AKHRI QORAALKA KASOO BAXAY MAAMULKA DUGSIGA CIGAAL;

COMMENTS
LINKS