|
|||||
WAJAALE NEWS
“Yaan Lagu Habsaamin Taiwan Xagga Siyaasadda Iyo Diblamaasiyadda, Wax Macno Leh Somaliland Ugama Tari Karto”Cali Guray.
August 10, 2020 - Written by Editor:“Waxa Ugu Daran Nin Haleelo Irmaan Dhex Jooga Gaajana Hayso Balse Aan Aqoon Sida Geela Loo Liso”Cali Guray Wasaaradda Warfaafintu ma oga miyaa in Taiwan ay haysatay aqoonsi caalami ah oo mar iyada loo aqoonsanaan jiray Jamhuuriyada Shiinaha oo ay Qaramada Midoobay xubin ka ahaan jirtay oo kursiga dawladda shiinaha ku fadhiyi jirtay. Shiine shuucina gaafwareeg ahaan jiray muddo badan oo loo diidanaa in uu xubin ka noqdo QM. Taiwan waxa ay lumisay kursigii QM markii Dhulwaynaha Shiinaha ( Main China Land) ama Jamhuuriyada Dadka Shiinaha loo ogolaaday in iyadu ay tahay dawladda rasmiga ah ee Shiinaha. Taiwan tan iyo wakhtigaasi may dalban in loo aqoonsado dawlad gaar ah oo madaxbanaan balse ilaa maanta waxay ku andacootaa in ay tahay dawladda keliya ee xaqqa u leh in ay metesho dadka Shinaha sidii beryaha qaar ay ahaan jirtay. China waxay dunida ku qasbaan siyaasaddeeda One China Policy dawladda aqoonsata Taiwanna waxay u goysaa cilaaqaadka. Markaa Qaramada Midoobay kursigii Somaliland ilaa hadda waa ka ay ku fadhido Somalia oo mar ka dhexayn jiray kursigii Taiwaan isagana waxa looga qaaday jamhuuriyadda Dadka Shiinaha. Markaa jaziiradda Taiwan iyo China waa dal keliya oo laba dawladood ku muransan yihiin balse dunidu ay mid ahaan aqoonsan tahay waana ka xubinta ka ah QM. Sidaa daraadeed yaan lagu habsaamin Taiwan xagga siyaasadda iyo diblamaasiyadda wax macno leh Somaliland ugama tari karto oo iyadii baan la aqoonsanayn ee go’doon dhankaa kaga jirta eh. Laakiin haddii madaxda Somaliland ay si fiican u garanayaan danta Somaliland ugu jirta ama ay ka leedahay xidhiidhka dhaw ee u bilawday iyada iyo Taiwan wax badan oo faa,iido ah wuu u yeelan karaa hadii kale kama duwan nin haleelo irmaan dhex jooga gaajana hayso balse aan geela lisi aqoon. Saw gaajo ugu dhex dhiman maayo? Waa ta aan uga baqayo Somaliland oo ahmiyadda siinaysa in xidhiidhka Taiwan ay uga faaiidaysan karto dhinaca aqoonsi caalami ah oo ay dunida kaga hesho. Dhinacaa waxba ugama tari karto laakiin dhinacyo badan oo ka muhiimsan ayay Somaliland uga faaiidaysan karta xidheedhka Taiwan. Siyaasi Cali Gurey Related posts:Xukuumada Jsl Oo Jawaab Cad Ka Bixisay Qoraal Kasoo Baxay Maamulka Somaliya Oo Ay Somaliland Kula Si... Maayar Mooge Oo Sheegay In Banaan Baxyadii Maanta Aanay Wax Dhibaaato ah Ka Dhicin, Xili Dhimasho Iy... Xisbiga kulmiye Oo Ka Jawaabay Eedo Uga Yimid Xisbiga Wadani, Sheegayna In Ay Dacwad Kusoo Oogayaan! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|