Xukuumada Somaliland Oo Sifo Sharci Daro Ah Xabsiga Ugu Taxaabay Wariye Cabdiqaadir Habane. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Sifo Sharci Daro Ah Xabsiga Ugu Taxaabay Wariye Cabdiqaadir Habane.
August 24, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Ciidamada Laanta Danbi Baadhista Somaliland Ayaa saaka Xabsiga Utaxaabay Wariye Cabdiqaadir Cabdiraxmaan Habane oo kamid ah Masuuliyiinta shabakada wararka Ee Wajaalenews.

Wariye Habane oo saaka Isagoo shaqadiisi caadiga ahayd gudanaya ayaa canbaaro 10;00subaxnimo ciidanka danbi baadhista ay ka qabteen huteelka guuleed ee magaalada hargaysa kuwaasi oo ku xidhay xarunta C.I,D.

 

Sidoo kale taliyaha cidanka danbi baadhista ayaa  isla maanta geeyay maxkamada gobolka maroodi jeex cambaaro 11;00 iyo daqiiqada si ay u xalaashadaan qabashada xadhigiisa.

Ciidanka laanta danbi baadhista oo aanu waxka waydiinay sobobta ay wariyaha usoo xidheen iyo sifaha ay ku qaabeen isagoon wakhtigan la qabtay wax danbi ah faraha kula jirin ayaa waxay sheegeen in ay xadhigiisa keentay qolo ganacsato ah oo kasoo dacwootay sanad iyo badh ka hor.

Dhanka kale gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland oo markii wariyaha cabdiqaadir habane maxkamada la geeyay utagay gudoomiyaha maxkamada iyo taliyaha danbi baadhista Faysal xiis ayay usheegeen in dacwada loo haysto iyo waaran ay kusoo  qabteen uu yahay mid mudo hore loo gooyay.

Sikastaba ha ahaatee ciidamada booliska Somaliland ayaa mudooyinkii udanbeeyay xalaashada qabashada sharciga baalmarsan ee wariyayaasha gaar laanta danbi baadhista oo aan iyadu shaqo ulahayn dacwadaha loo hayso saxaafada iyagoo 24sacadood gudahood ku xidhay wariyihii labaad  ee lagu xidhay xarunta danbi baadhista.

COMMENTS
LINKS