|
|||||
WAJAALE NEWS
Xafiiska Taiwan Ee Hargeysa Oo Bilaabay Inuu Ganacsatada U Fiiseeyo Baasaaboorka Somaliland.
August 22, 2020 - Written by Editor:Hargeysa(W,N)–Xafiiska Dawladda Taiwan ka furatay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa si rasmiya u bilaabay shaqadiisa. Xafiiska Taiwan ee Hargeysa ayaa shaqooyinka uu bilaabay waxa ka mid ah inuu Ganacsatada Somaliland u fiiseeyo Baasaaboorka Somaliland, si ay ugu safraan Dalka Taiwan. Wargeyska Geeska Afrika ayaa loo sheegay in Xafiiska Diblumaasiyadeed ee Dawladda Taiwan ka furatay Hargeysa uu si rasmi ah u bilaabay inuu Ganacsatada doonaya inay u safraan Taiwan uu u fiisaynayo Baasaaboorka Somaliland. Tallaabadan oo muhiim u ah Ganacsatada Somaliland ee dalalka dibedda ugu safri jiray Baasaaboorrada dalalka kale, ayaa ku timid heshiis iskaashi oo bishii February ee sannadkan dhex martay Dawladaha Somaliland iyo Taiwan. Heshiiska Somaliland iyo Taiwan ayaa waxa ka mid ah in labada Caasimadood ee Taipea iyo Hargeysa ay ka kala furtaan laba Xafiis Wakiileed, taasi oo Taiwan fulisay Toddobaadkii la soo dhaafay.
Related posts:SIR CULUS OO FASHILANTAY:- WASAARADDA WAXBARASHADA SOMALILAND OO LOO SOO DAABACAY MANHAJ LAGU MIDEEY... DAAWO;-Abwaan Cabdi Qays Oo Gabay Cajiib Ah Ka Tiriyay Bandhiga Buugaagta Ee Xarunta Dhaqanka Hargay... DAAWO; Prof A Samatar Oo si Meeqaab Hoose ah Loogu Soo Dhaweeyeen Madaar Caasimada iyo Hogaanka Xisb... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|