Wasaarada Gaashaandhiga Jsl Oo Mudo Sanad Iyo Lix Bilooda, Bilaa Agaasime Guud Ah Iyo Sobobta Madaxwayne Biixi Usoo Magacaabi Waayay? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Gaashaandhiga Jsl Oo Mudo Sanad Iyo Lix Bilooda, Bilaa Agaasime Guud Ah Iyo Sobobta Madaxwayne Biixi Usoo Magacaabi Waayay?
August 15, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Muse Biixi Cabdi Ayaa 3o/03/2019 Xilkii ka Qaaday Wasiirkii Wasaarada Gaashaandiga Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle Iyo Agaasimihii Guud Ee Wasaarada Gaashaandhiga  Jamaal Cabdilaahi Muxumed Oo Haatan Laga Jooga Mudo Sanad Iyo lix  bilood Ah.

Sidoo kale Madaxwayne Biixi Ayaa Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga U Magacaabay Cabdiqani Maxamuud Caateeye Oo Hore u ahaa Wasiirka Wasaarada Cadaalada Oo iyana uu masuul kale umagacaabay.Halka aanu magacaabin Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Gaashaandhiga,

Hadaba  Madaxwayne Biixi Ayaan Mudada sanadka iyo dheeraadka ah Aan Wali Wasaarada Gaashaandhiga usoo Magacaabin Agaasime Guud Halka ilaa mudada sanadka iyo lixda bilood Uu Wasaarada Gaashaandhiga Kusime ka Yahay Agaasimihii Maamulka Iyo lacagta Ee Wasaarada Gaashaandhiga.

Iyadoo Aynu wada ognahay Muhiimad uu shaqada Wasaarada U Yahay Agaasimaha guud oo isagu ah Mishiinka shaqada ee wasaarada, Maxaa keenay in madaxwayne biixi mudada intaa Leeg Usoo Buuxin waayo Booska Agaasimaha guud ee Wasaarada Gaashaandhiga Jamhuuriyada Somaliland? ,Mala Odhan karaa Madaxwayne biixi Uu Ilaaway magacaabista Agaasimaha guud Ee Wasaarada Gaashaandhiga? Mise Madaxwaynuhu wuxuu waayay Masuul buuxin kara Jagada Agaasimaha Guud ee Wasaarada Gaashaandhiga?

Su,aalahan iyo Qaarkale oo badan ayaa waxaa iswaydiinaya shacabka Somaliland oo aan hore u arag Dayac Madaxwayne oo ku yimaada in uu buuxin kari waayay xilka wasaarad oo uu ka maqan yahay masuulkii udub dhexaadka u ahaa shaqada ay wasaarada uhayso qaranka!

Dhanka kale buuxin la,aanta jagada Agaasimaha guud ee wasaarada gaashaandhiga ayaa keenaysa Dayac iyo wax isdaba marin ku Timaada hawlaha iyo kaantarooladidooda isaga oo sida uu qeexayo Xeerka Iyo qaab dhismeedka wasaarada ee dastuurka somaliland jideeyay, halka masuulka kusii simaha Ahi uu yahay masuul aan kalsooni buuxda U haysay shaqada uu hayo islamarkaana marwalba u Hogaansamayo Awaamiirta Wasiirka Wasaarada Gaashaandhiga oo meesha ka saaraysa Isku dheeli tirnaantii masuuliyiinta wasaarada, taasi oo Horseedaysa in wasiirku siyaabo kala duwan ugu tagri falo dhaqaalaha wasaarada iyo awooda maamul ee uu ku kaliyaystay.

Si kastaba ha ahaatee buuxin la,aanta xilka agaasimaha guud ee wasaarada gaashaandhiga ayaa Noqonaysa masuuliyad daro iyo xil gudasho la,aan dulhogonaysa madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland muuse biixi cabdi oo shacabka ka dhursugayaan talaabada uu wakhti xaadirkan ka qaado iyo in uu digreeto xilkan ugu magacaabo Agaasimaha maamulka iyo lacagta oo mudada intaa leeg ku sime ka ah ,xilka Agaasimaha Guud ee wasaarada Gaashaandhiga Amaba uu usoo magacaabo masuul kale oo buuxin kara xilkan qaran ee mudada intaa leeg banaanaa xili ay dalka  ka buuxaan dhalinyaro aqoon leh oo qaban karan xilkan Agaasimaha guud ee wasaarada gaashaandhiga haday tahay in uu kusoo xusho aqoon amabase Qabyaalad.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS