Wakiilada Qaramada Midoobay Ee Somaliya Oo Ka Hadlay Shirka Dhuusamareeb Iyo Ka Maqnaanshaha Punthland Iyo Jubaland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wakiilada Qaramada Midoobay Ee Somaliya Oo Ka Hadlay Shirka Dhuusamareeb Iyo Ka Maqnaanshaha Punthland Iyo Jubaland.
August 20, 2020 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N)-Wakiilka Qaramada Midoobay Ufadhiya  Soomaaliya, Ambassador James  Swan ayaa oo ka hadlay shirka madaxda dawlada somaliya iyo maamul goboleedyada ee dhuusamareeb ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Puntland iyo Jubbaland ay diideen codsiyo isdaba joog ah oo ay ka heleen hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya iyo  la-hawlgalayaasha caalamiga ah, si ay shirka Dhuusomareeb ugu qeyb qaataan.

Ambassador James  Swan, ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu warbixin toos ah oo ku saabsan xaaladda Soomaaliya siinayay fadhiga guud ee golaha qaramada Midoobay

“Waxaan fahamsanahay inay jiraan aragtiyo kala duwan oo ka dhex jira hogaamiyaasha siyaasadeed. Si kastaba ha noqotee, xilliyadaan oo kale  waa waqti aad loogu baahan yahay hoggaamiyeyaasha qaranku in ay wada hadlaan oo ay soo bandhigaan fikradooda ugu wanaagsan si ay u helaan xalka danaha dadka Soomaaliyeed,” ayuu yidhi James Swan.

Danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa sheegay, Maaddaama aysan jirin Maxkamad Dastuuri ah iyo hay’ad garsoor oo la isku halleyn karo oo xallisa jahwareerka dastuuriga ah, in xalku u baahan yahay heshiis siyaasadeed oo sal ballaadhan leh oo daneeye kasta oo Somaali ah u baahan yahay.

“Dabcan waxay ku xidhan tahay saamileyda Soomaaliyeed inay go’aan ka gaadhaan hannaan hagaya nidaamka doorashada. Si kastaba ha noqotee, waxaan ku boorinaynaa in tusaalaha noocan ah lagu gaadho wadahadal loo dhan yahay iyo isu tanaasul. Waa in sidoo kale lagu dhaqmaa mabaadi’da xil isku wareejinta nabdoon ee afartii sanaba mar,” ayuu yidhi danjiraha UN-ka ufadhiya somaliya.

WAJAALENEWS DESK

 

COMMENTS
LINKS