“Waar Aniga Ilaahay Cilmi La’aanbuu Igu Siiyay Xoolaha, Ee Idinkana Ilaahay Cilmiga Haydinku Siiyo”.Ganacsade Ina Jabuutaawi. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waar Aniga Ilaahay Cilmi La’aanbuu Igu Siiyay Xoolaha, Ee Idinkana Ilaahay Cilmiga Haydinku Siiyo”.Ganacsade Ina Jabuutaawi.
August 20, 2020 - Written by Editor:

LAASCANOOD(W,N)-Hal Ku dhig Caqiidada Ku Salaysan, oo isna Uu tusaale u Yahay, Ganacsade Maxamed Jabuutaawi, hadalkiisii maadda u ekaa ee uu Jaamacadda Nugaal ka jeediyay.

Wuxuu Ardayda ku yidhi ” Waar aniga Ilaahay cilmi la’aanbuu igu siiyay xoolaha ee idinkana ilaahay cilmiga haydinku siiyo”.

Waxa kaluu yidhi “Xoolaha jaahilkuna, wuu helaa ka wax qoraana wuu helaa”.

Marka lala hadlayo arday ugu yaraan 16 sano buug iyo qalin is daba siday, oo ay dhici karto in uu niyad jabo haddii uu shaqo ku waayo waxan uu bartay; saw hadalka Ina-jabuutaawi kama qiimo badna, hadal uu halkaa ka jeedinlahaa siyaasi fashilmay, oo ka sheekeeya Doorashooyinka lagu muransan yahay iyo wax lamida, sidaasna ku baal mara ujeedkii munaasibadda loo Qabtay?

Ganacsadahani, wuxu ardayda fahamsiiyay, in tacliinta iyo tacabka xooluhu ay yihiin laba muduuc oo kala madax bannaan.

Waxa kaluu yidhi ” Horta Jaamacadda marka la dhammeeyo, xaggaa la aadaa?Ma Jaamacadda ayuunbaa lasii joogaa?”.

Haddii boqol dawaarle ay ka qalin jabin lahaayeen, jaamacaddaasi maanta, su’aasha In-jabuutaawi, waxa laga bixin lahaa jawaab ay ka ka macaashaan ardaydu iyo in badan oo gobolka ah.

Waxaa la o’ dhan lahaa, maalgelin ayaa loo baahanyahay. Boqol Makiinadood oo kuwa dharka lagu tolo ah. Isaguna Jawaab kaluu bixin lahaa, waayo wuxuu fahmayo ayaa loo sheegay.

Su’aasha ugu wayn ee ardayda maskaxdooda ka guuxaysaa, waa sidaad dhaqaale u samaysaa,.laakiin ma garankaraan badankoodu, waayo lama barin.

Imisaan Muqdisho ku arkayaa, dadka akhriska iyo qoraalka yaqaan sida ardayda Jaamacadaha dhammaysa oo Irbad iyo Dun kumannaan dollar ka sameeyay.

Hadalada ganacsade ina jabuutaawi ka jeediyay xafladii qalin jabinta jaamacada nugaal ayaa ahaa kuwo madasha dadkii ku sugnaa iyo ardaydii qalin jabinaysayba ku abuuray dareeno kala duwan iyadoo wakhtigii uu hadlayay madasha ka dhigay mid qosol iyo sawaxan ka abuuray.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WEEDHIHII INA JABUUTAAWI KA JEEDIYAY XAFLADA JAAMACADA;

COMMENTS
LINKS