|
|||||
WAJAALE NEWS
“Waa Guulihii UDub Ee Kulmiye Wax Uu Yeelay Mooyee, Aanay Jirin Haba Yaraato Eh Wax Uu Ku Daray”Cali Guray
August 8, 2020 - Written by Editor:“Waxaynu Ku Faanno Ayaynu Ka Faanaa”Siyaasi Cali Guray. Isagoo La Hadlayay Waftigii Shiinaha Waxa ka mid ahaa hadalkii Madaxwayna JSl: (in dalkani tusaale u yahay geeska afrika, marka loo eego horumarka dhinaca dimuquraadiyada ee uu ku tallaabsaday sagaal iyo labaatankii sanno ee u danbeeyey isbedelada dhinacyada badan leh ee ka hirgalay, haday tahay dhinaca doorashooyinka, hanaanka axsaabta xisbiyada qaranka iyo nidaamka qori-isu dhiibka ah ee hoggaanka dalka) Waa guulihii UDUB ee KULMIYE wax uu yeelay mooyee aanay jirin haba yaraato eh wax uu ku daray. Doorasho-diid iyo muddo kordhinta uun haday ka deyn lahaayeen Somaliland malaha carabka ayay cirka la gaadhi lahayd. Nadaamka Doorashootinka iyo Xisbiyada Badan waa maxay guusha uu tirsan karo 13kii sanadood uu Xisbul Xaakimka ahaa Kulmiye. Waxa jirtay mar hore in Madaxwaynuhu uu ku amaanay Somaliland guul darrada muddo kordhinta oo dabcan ah guusha doorasho-diidka. Muuse maanta ayuu Madaxwayne yahay Guddomiyaha Kulmiyena isagu yahay, taariihkduna been ma sheegto waanay is-qoraysaaye bal inta uu ku darsado iyo inta uu yeelo hanaanka xisbiyada badan iyo doorashootinka ha loo wada joogo ama wuu u hiilin ama wuu ka hiilin eh Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Caligurey”
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|