Ururka Qareenada Jsl Oo Eedo Culus Ujeediyay Dhakhaatiirta, Sheegayna In Ay Qareeno Uqabanayaan Haweenkii Ka Cawday Cisbitaalka Gar gaar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Qareenada Jsl Oo Eedo Culus Ujeediyay Dhakhaatiirta, Sheegayna In Ay Qareeno Uqabanayaan Haweenkii Ka Cawday Cisbitaalka Gar gaar.
August 25, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Ururka Qareenada Somaliland Ee Solna ayaa shaaciyay qareenada in ay qareeno udooda uqabanayaan hooyooyin cabasho ka muujiyay dhakhtarka gargaar ee magaalada hargaysa.

Haweenka Oo Cabasho ka muujiyay dhakhtarka gargaar oo xaaladi caafimaad Ee uu ufidiyay aanay waxba ka hirgalin wixii uu kula heshiiyay taasi oo ahayd in dhakhtarku caruur ku beero taasi oo aan suurto galin halka ay kasoo gaadhay caafimaad daro,

Gudoomiyaha Ururka qareenada somaliland Maxamed Maxamuud Xaashi “Timo” ayaa sheegay in ay haweenka ufidinayaan adeeg sharci oo bilaa lacag ah isagoo ugu baaqay in ay haweenkaasi yimaadaan xarunta ururka si talaabo sharci looga qaado dhakhaatiirta iyo cisbitaalka ay ka cabanayaanba.

Dhanka kale qareenada haweenka ah ee ka hawlaga ururka qareenada ayaa fariimo muhiim ah udiray haweenka ka cabanayay dhakhtarka gargaar Iyagoo shaka ka muujiyay in haweenka ay ka maqnaan karaan xubno muhiim isagoo ugu baaqay in ay baadhitaano dheeraada isku sameeyaan,

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS