|
|||||
WAJAALE NEWS
Suldaanka Guud Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Marxaladda Dalku Marayo, Tallooyin Muhiim Ahna Soo Jeediyey
August 30, 2020 - Written by Editor:“Taiwan Oo Qudha Maaha Ee Waddan Kasta Aynu la Xidhiidhno Cidda Doonta Ha Xanaaqdee”Suldaan Maxamed, Hargeysa (W,N) – Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa ka hadlay marxaladda dalku marayo, gaar ahaan Siyaasadda Arrimaha Gudaha, Siyaasadda Arrimaha Dibedda, heshiiska Xisbiyada iyo wakhtiga ay Komishanku ku qabsadeen inay Doorashooyinka ku qaban karaan. Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqadir oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ayaa isagoo ugu horeyn ka hadlaya Siyaasadda Arrimaha Dibedda wuxuu yidhi “Inaynu xidhiidhka aynu la leenahay Beesha Caalamka soo koobno maaha ee inaynu balaadhino ayey danteenu ku jirtaa, maxaa yeelay waxaynu nahay dal ictiraaf doon ah, sidaas oo ay tahay mar haddii aynu nahay dal ictiraaf doon ah, waa inaynu garaacno albaab walba oo caalamka ah, oo waa inaynu waddan walba la xidhiidhnaa, Taiwan oo qudha maaha ee Waddan kasta aynu la xidhiidhno cidda doonta ha xanaaqdee, maxaa yeelay Ictiraaf aynu xaq u leenahay ayaynu raadinaynaa oo aynu baadi goobkiisi ku jirnaa, Dal kasta oo aynu xidhiidh la samaynana waa inaynu u soo bandhignaa inaynu nahay Waddan jira” Suldaan Maxamed mar uu ka hadlayey Siyaasadda Arrimaha Gudaha ayaa yidhi “Nabadgalyadu waa qaali, sida lagu helnaa maaha si fudud ee nabadgalyadeena aynu ilaashano, wax kasta oo nabadgalyo daro abuuri karana aynu ka dheeraano oo wax walba wanaag aynu ku raadino”. Mar uu ka hadlayey heshiiska Xisbiyada ee dhinaca Doorashada iyo qorshaha Komishanka ayuu yidhi “Waan soo dhaweynayaa in is afgarad iyo heshiis laga gaadho Doorashada, oo Xisbiyadu ka heshiiyaan waana talaabo wanaagsan, kolay Komishanku wakhti bay ku qabsadeen inay Doorashooyinka ku qaban karaan ee inta aan la gaadhin muddada Doorashooyinka loo cayimay, waa in la sii xaliyaa caqabad kasta oo ka hor iman kara Doorashooyinka”
Related posts:Maayarka Ceerigaabo Oo Ka Hadlay Dablay Weerartay Saldhiga Magaalada, Iskana Difaacay Eedo La Xidh... Dood Xasaasiya Oo Ku Saabtay Arinta Saami Qaybsiga Oo Idaacada Bbcdu Uqabatay Xildhibaano Katirsan ... Xasan Sheekh Oo Beesha Caalamka Ka Dalbaday In Loo Keeno Maydadka Tahriibayashii Ku Dhintay Badda U ... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|