|
|||||
WAJAALE NEWS
Somaliland Oo Markale 60Sano Kadib Ka Mid Noqotay Ururka Barwaaqo Sooranka Aduunka,
August 17, 2020 - Written by Editor:HARGAYSA(W,N)-Jamhuuriyada Somaliland oo markii ay Xornimada Qaadatay 1960kii kamid noqotay ururka barwaaqo sooran ee boqortooyada ingiriiska balse la midowday wixii laysku odhan jiray somaliya ayaa wakhti xaadirkan oo madax banaanideedu jirtay 29sano waxay dib ubilowday sidii ay dib ugu heli lahayd xubinnimadeedii ururka barwaaqo sooranka ee baarlamaanada 58 dawladood ee Comon wealth. Dadaalo ay galeen baarlamaanka Somaliland iyo aqoonyahan reer Somaliland ahi ayaa waxaa Somaliland ku guulaysatay in ay dib uhesho xubinmadii ururka barwaaqo sooraanka Aduunka Sidoo kale Golaha wkiilada Somaliland ayaa buuxiyay Shuruudihii ugu danbeeyay ee Somaliland kaga xidhaan dib ugu noqoshada xubinada ururka barwaaqo sooranka aduunka. Aqoonyahan Cabdirsaaq Xoosh oo kamid ah dhalinyarada sida dhow ula socday dadaalada ay Somaliland ugu jirtay dib ulasoo noqoshada xubinnimada Ururka Comon wealth. Ayaa faah faahin ka bixiyay arimaha suurgo galiyay in jamhuuriyada somalland gaadho guusha xubinnimada ururka barwaaqo sooranka aduunka. Dhnaka kale Aqoonyahan Cabdirasaaq Xoosh ayaa hambalyo udiray golaha wakiilada Somaliland iyo xubnihii firfircoonaa ee suurto galiyay in ay Somaliland dib uhesho xubinnimadeeda ururka barwaaqo sooraanka aduunka. HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN; https://youtu.be/59yUXDHqNFw
Related posts:Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlay Doorka Saxaafada ee Xuska 18 May,Iyo Shaqaalaha Wasaarada oo ay D... Wararkii U Dambeeyay Ee Talyaaniga Oo 16 Million Qof U Karaantimeeyay Si Looga Hor Tago Faafidda Cud... Agaasimaha Wasaaradda Arrimaha Dibeda Oo Beeniyay War Laga Baahiyay Oo Sheegayay Inuu Iscasilay COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|