Somaliland: Go’aanka Maxkamada Sare Waa Guul Xalse Maaha”Siyaasi Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland: Go’aanka Maxkamada Sare Waa Guul Xalse Maaha”Siyaasi Cali Guray.
August 27, 2020 - Written by Editor:

“Go’aankan Maxkamada Sare, Waxay Doorasho-diidku Uga Gol Leeyihiin In Sadex Muddo Kordhimood Lagu Xalaalaysto”Cali Guray.

Go’aankan Maxkamadda Sare toban sanadood ayuu dib uga dhacsan yahay xilgiisii. Wakiilada waxa la doortay 2005tii. Mudda xileedka Wakiilad la wakhtigaasi la doortay oo ahaa 5 sanadood wuxu dhamaatay 2010kii, iyadoo mudadaasi aan la samaynin tirakoob lagu saleeyo saami qaybsiga kuraasida Golaha Wakiilada. Tan iyo shamaadkii muddo xileedka Golahan oo hadda toban sanadood laga joogo go’aankan maanta ka soo baxay Maxkamada Sare way cadayd in uu ahaa sida keliya ee ay doorashada Wakiiladu ku qabsoomi karaysay. Sababta 10 sanadood go’aankan looga soo horjeeday may ahayn mid duruufi keentay oo lagu qasbanaa laakiin waxay ahayd mid ay sababtu ahayd danaysi ama danaysiyo gaar ah oo ay heshiis ku ahaayeen Doorasho-diidka Somaliland oo iyagu muddo kordhimaha u arkay in ay danahooda gaarka ahi ku jirtay. Doorasho-diidka oo ahaa intii ay dadku igmadeen ee ku Aamineen in danaha guud ee la wada leeyahay ay mar kasta mudnaanta ka siiyaan danahooda gaarka ah sharcigana ku dhaqmaan iyagu dalkana ku dhaqaan kuna hogaamiyaan sidii ay dhaarta ku mareen markii loo doortay xilalka ay kala hayeen haday guurti yihiin, Wakiilo yihiin ama Madaxwayne yihiinba .

Maanta lafteeda doorashadan isa saarka ah ee sadexda xisbi iyo Xukuumadduba ay heshiiska ku yihiin in ay ku qabsoonto sanadkan gudihiisa in kastoo ay caddahay in aanay ku qabsoomi karin maaha mid loogu danaynayo shacbiga iyo danta Somaliland qaran ahaan.

Sida aan u arko go’aankan waxay doorasho-diidku uga gol leeyihiin in sadex muddo kordhimood lagu xalaalaysto in kasta oo aanay u xalaalayn karin. Sadexda muddo kordhinood waxay kala yihiin Doorashada Golaha Guurtida oo sharci darrada la sharciyaystay marka aynu qaadano ay tahay in hal sano ay ka dambayso doorashada wakiilada. Taas oo aan dhici doonin. Doorashada labaad waa ta loogu gabanayo isa saarka labada doorasho oo keeni doonta in sadexdan xisbi marka ay dhamaato muddadii 10ka sanadood ahayd loo kordhiyo muddada ugu yaraan shan sanadood. Taasi oo meesha lagaga saarayo in la furo ururada, taas oo iyaduna noqonaysa sharci darro.

Doorashada sadexaad waa doorashada Madaxtooyada oo la hubo in aanu madaxwaynuhu diyaar u ahayn in ay qabsoonto oo isagu uu tartamo ama musharax kale magaca Kulmiye ku tartamo. Sidaa daraadeed waa muddo kordhin waxa laga filaa. Sadexdan muddo kordhimoodba waxay wada dhacayaan sanadka 2022

Anigu waxan rumaysanahay in nidaamkii xisbiyada badan iyo doorashooyinka ee Somaliland ummadana qiimo qaali ah ku joogay si badheedh iyo ula kac ah loo burburiyay oo uu haatan fashilmay, ilaa hadda ma muuqdo xal isu dhan oo lagu badbaadin karo waayo waxa maqan hogaan ka daacad ah oo diyaar u ah in la badbaadiyo

Ugu dambaystii go’aanka Maxkamada Sare waa guul laakiin maaha xal marka aynu ka hadlayno badbaadinta nidaamka xisbiyada iyo doorashada Somaliland

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Caligurey”

 

COMMENTS
LINKS