Siyaasi Cali Guray Oo Si Adag Uduray Xil Naasir C. Shire Oo Hadalo Deel Qaaf Ah Kula Dul Dhacay Astaan Tv. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cali Guray Oo Si Adag Uduray Xil Naasir C. Shire Oo Hadalo Deel Qaaf Ah Kula Dul Dhacay Astaan Tv.
August 18, 2020 - Written by Editor:

“Muuse  Biixi Haddii Uu U Soo Dagaalamay In Uu Isagu Wax Dulmiyo, SNM Bari Buu Ka Yahay, Malaha Wuxu U Socdaa Uu Caashaqsan Yahay In Uu Noqdo Siyaad Barre-Hii Isaaq Eh”Cali Guray.

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf “Cali Guray” oo kamid Siyaasiyiinta reer somaliland ee aan Xaqiiqada ka gaban ayaa si ba,an u karbaashay xildhibaan Naasir Cali Shire oo eedaymo iyo hadalo deel qaaf ah kula dul dhacay maamulka Astaan Tv.

Siyaasi Cali Guray ayaa xildhibaanka ku sheegay in uu kamid yahay fulaydii shalay markii la halgamayay balse maanta isku dhigaya in uu yahay geesi

Dhanka kale Cali Guray ayaa cadeeyay in aanay snm udagaalamin in qof dulmi lagu sameeyay muuse biixina hadii uu arintaa damacsan yahay aanu ku matalin Snm,

Siyaasi cali Guray ayaa qoraal uu arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“DULMI WAA II DULMI OO IMA KALA XIGO

Waa wiil Isaaq oo haduu kooyaa.Eesha Calaa Naas. Mar baa la isku xidhi jiray HAYBTA cidda aad ka soo jeeddo. Maantana ma tii teedii baa? Qofka ka soo jeeda Daarood ama aan Durriyadda ahayn waxa loo xidhi karaa waa basaas iyo HAYBTA uu yahay miyaa?

Horta SNM Isku halgan may ahayn oo Muhaahiriintii asxaabta Rasuulka Scw ahayd ayuu Ilaahay sheegay in aanay isku wax uga hijroonin Makka (KIINII U SOO HIJROODAY MAAL UU TABCADO, IYO KIINII U SOO HIJROODAY GABADH UU GUURSADO, IYO KIINII ILAAHAY IYO RASUULKIISA U SOO HIJROODAY MIDBA WUXU LEEYAHAY WIXII UU U SOO HIJROODAY.ayuu Ilaahay ugu cadeeyay Qura’aankiisa Kariimka ah.

Xildhibaankan Anigu la yaabi maayo oo fulayaashii shalay waa geesiyaasha maanta. “Farmaajo haduu Hargeysa yimaado waanu googooyn” saw ninkii lahaa maaha? Maalin meel ay xabadi ka dhacayso ismuu taagin sebenkii colaadda ee raggu dagaalamayay ee la is-kidfayay. Xagguu maalintaa jiray ninka Isaaq ee maanta wax googooynayaa. Basaasnimadu xagiisa waa u dhalasho dembiguna waa u dhalasho. Isaga ma basaaskii basaasiinta ayaa la qoray miyaanu Xildhibaan shan sanadood la doortay oo 16 sanadood kursiga isku dhejinayay ahayn. Muuse Biixi haddii aanu mujaahid dulmi-diid ah ahayn ee uu u soo dagaalamay in uu isagu wax dulmi SNM bariiiiii buu ka yahay ee ha ku socdo malaha wuxu u socdaa uu caashaqsan yahay in uu noqdo Siyaad Barre-hii Isaaq eh. Aniga dulmigu waa ii wada dulmi qabiilna iima laha, midab iima laha mid aanu isxigno oo ilmaadeer nahayna ma jiro.

COMMENTS
LINKS