Siyaasi Abiib Xasan Filfil Oo Ku Dhawaaqey In Uu Kamid Noqonayo Murashaxiinta U Tartamaya Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Abiib Xasan Filfil Oo Ku Dhawaaqey In Uu Kamid Noqonayo Murashaxiinta U Tartamaya Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland!
August 9, 2020 - Written by Editor:

Gabiley(W.N)-Siyaasi Abiib Xasan Filfil oo kamid siyaasiyiinta Rugcadaaga ah Ee Somaliland ayaa  shaaciyay in uu usharaxan Yahay Xildhibaanada golaha wakiilada Ee Gobolka Maroodi jeex Ee Doorashada Soo Socota

Siyaasi Abiib Xasan Filfil Oo Xilal Kala Duwan Soo Qabtey xukuumadihii soo maray somaliland iyo gobolka gabiley isagoo soo noqday Maayarka magaalada gabiley, Agaasime/Waaxeed Wasaarada Dibudajinta iyo Dibudhiska,Ilaa Heer Wasiir oo ahaa Wasiirka Wasaarada Gancsiga iyo Warshadaha Ee Xukuumadii Madaxwayne Daahir Riyaale, kana Kamid ah Siyaasiyiinta Kasoo Jeeda Gobolka Gabiley, ayaa Noqonaya Siyaasigii ugu Da,da Weynaa ee, Shaaciyay Damaciisa Siyaasiga ah ee Doorashada Golaha Wakiilada.

Siyaasi Abiib Xasan Filfil, ayaa Isa Shaacintiisa Kusoo Beegay Wakhti, loo Dhegtaagayo, In Komishanku Mudeeyo Wakhtiga la qabanayo Doorashooyinka golaha wakiilada iyo deegaanka oo lagu wado in ay qabsoomaan sanadkan aynu jirno dabayaaqadiisa.

Sikastaba ha ahaayee, Maalmaha Soo Socda ayaa la Filayaa, in uu Qabsan Doono Munaasibad uu Ku Shaacinayo, Damaciisa ka Qeybgalka Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland taas, oo lagu Qaban Doono Gudaha Magaalada Gabiley.

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE.

COMMENTS
LINKS