Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Jsl Oo Kulan La Qaatay Safiirka Dalka Tiawan Ufadhiya Somaliland iIyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Jsl Oo Kulan La Qaatay Safiirka Dalka Tiawan Ufadhiya Somaliland iIyo Arimaha Ay Ka Wada Hadleen!
August 26, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax Oo Ay Weheliyaan Gudoomiye Ku Xigeenka Kowaad Ee Golaha Wakiilada Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, Iyo Xildhibaano Kale  Ayaa Kulan La Qaatey Safiir Ku Xigeenka Wadanka Taiwan U Fadhiya Somaliland Mr Nabil Chen-Chi Wu,

Kulanka Oo Saacado Badan Qaatey  Waxa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Uu Safiir Ku Xigeenka Wadanka Taiwan Mr Wu U Sharaxay Horumarka  Somaliland Ka Hano Qaadey Sodonkii Sano Ee U Danbeeyey isla markaana uga xog waramay sida dalka Taiwan ay uga go’an tahay inay u xoojiyaan xidhiidhka ay Somaliland la sameeyeen , sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska warbaahinta ee Golaha.

Sidoo kale waxa uu safiirku Sheegay Inuu Si Weyn Ula Dhacsan Yahay Horumarka ,Nabada Iyo Dimuqraadiyada Qaan Gaadhka Ah Ee Somaliland .

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS