Safiirka Somaliland Ufadhiya Dalka Kenya Oo Qado Sharaf Usameeyay Qoor-Waynta Xisbiga Kulmiye+Ujeedada Ay daarnayd! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safiirka Somaliland Ufadhiya Dalka Kenya Oo Qado Sharaf Usameeyay Qoor-Waynta Xisbiga Kulmiye+Ujeedada Ay daarnayd!
August 26, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Safiirka Somaliland Ufadhiya Dalka Kenya Ambsador Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa haddhimo sharafeed Usameeyay Qoor waynta xisbi xaakimka kulmiye taasi oo lagu Qabtay huteelka cali jirde badhtamaha caasimada hargaysa,

Ujeedada qado sharafta uu sameeyay Amb Baashe Cawil ayaa daarnayd sidii loo xoojin lahaa isku xidhnaanta siyaasiyiinta xisbi xaakimka kulmiye iyadoo casuumadan uu kasoo dhex muuqday siyaasi maxamuud xaashi cabdi.

Xogaha laga helayo casuumada amb Baashe Cawil ayaa sheegay in ay ahayd sidii xisbiga kulmiye isagoo isku duuban uu ugali lahaa shirwaynaha xisbiga isagoo baashe siyaasiyina saluugsan Shirka Ku qanciyay in doorkan markale gudoomiyaha xisbiga loo cumaamado muuse biixi halka siyaasiyiinta hanku kaga jiray ee madasha ku sugnaa islamarkaana uu maalmihii udanbeeyay shirar gaar gaar la qaadanayay uu ku dadaalo inuu ku qanciyo in aan xisbiga laga dhex abuuran khilaaf siyaasadeed islamarkaan cidkasta oo han leh kana soo jeeda beesha bariga burco ay doorkan dib udhigtaan doonista gudoomiyaha xisbiga kulmiye.

Dhanka kale dadaalada amb baashe Cawil wado ayaa la sheegay in uu doonayo sidii doorkan xisbiga kulmiye uga baydhi lahaa jidkii lagu bartay ee khilaafka dhexdooda isalamrkaana iyagoo isku duuban ay shirwaynaha  ugali lahaayeen.

COMMENTS
LINKS